Hadalladaada waxay leeyihiin awood ay ku dhiirageliyaan dadka kugu xeeran. Ama waxay noqon karaa kuwa sidaa ka duwan.
Ma og tahay in luqad kasta ay leedahay ereyo xun oo ka badan kuwa wanaagsan? Taas micneheedu wuxuu yahay in dadka ay jecel yihiin in qaabab badan oo kala duwan ay u sharaxaan dareenkooda xun.
Balse waxaa jiro ereyo badan oo wanaagsan oo qof kasta ku filan.
Tusaale ahaan, baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in inta badan dhaqamada caalamka ay leeyihiin toddobada erey ee lagu qeexo shucuurta iyo dareenka: Farxad, cabsi, xanaaq, murugo, karaahiyo, ceeb iyo is-xumeyn.
Halkaas waxaa ku cad in mid keli ah uu yahay dareen wanaagsan, halka lixda kalena ay yihiin kuwo xun.
La yaab ma ahan in dadka ay inta badan adeegsadaan ereyada aan wanaagsanayn. Balse ma oga in dadka ay dhaawac ku yihiin ayna xitaa niyadda ka dilayaan.
Qoraalkan wuxuu soo koobayaa 22 ka mid ah ereyada ay tahay in aan ka fogaanno:
Awood darro: Marka aad naftaada ama qof kale aad u sheegeyso in arrin aana la awoodin in la sameeyo, waxay taas sababeysaa in la aamino in xaaladdaas aysan suuragal ahayn. Waxay si gaar ah u saameyneysaa dadka ku aaminsan eek u xushmeeya.
Doqon: “Doqon” waa mid ka mid ah ereyada ay haboontahay in laga fogaado oo aan la isticmaalin. Xitaa haddii aad aaminsan tahay in qof uu caqligiisa yaryahay, ha u sheegin arrintaas, hana ku dhihin doqon. Waa erey niyad-jab ku beeraya.
Xilkasnimo darro: Haddii lagugu dhoho ‘xilkas ma tihid ama masuuliyad ma qaadi kartid’, waad garan gartaa sida dareenkaagu noqonayo. Haddaba aad u xakamee adeegsiga ereygan, hana ku dhihin dadka kugu xiran.
Nacas: Adeegsiga ereygan waa caay iyo aflagaado. Qofkii lagu dhoho wuu ka dagaallamaa, haddaba ka ilaali dadka, si gaar ah kuwa kugu dhow ee aad dooneyso in ay guuleystaan.
Maya: Waa hooyada dhammaan ereyada xun. “Maya” wuxuu saameynayaa dhammaan ujeedada qofka. Baaritaan ayaa lagu ogaaday in dadka ay si aayar ah uga falceliyaan marka MAYA lagu dhoho, wayna ka duwan tahay qaabka falcelinta ee HAA.
Guul-darro: “Waxaa tahay qof guul darro badan”. Ma jirtaa sabab kugu qasbeysa in aad hadalkan adeegsato? Dad badan ayaa jecel in ay u adeegsadaan meel kasta. Hadalka wanaagsan wuxuu yahay “guusha waa arrin muhiim ah oo loo baahan yahay”, haddaba ka fogow ereygaas niyad-jabka ku ah dadka. Ma jiro qof jecel guul darada, mana jiro qof ka shaqeynaya sidii uu u guuldareysan lahaa.
Xumaan: In ereyga aad u adeegsato in aad ku qeexdo ficilka qof kale — ama xitaa wax ka sii xun oo dabeecadda la xiriirta— ma ahan mid wanaagsan oo caawineysa qofkaas, waana xadgudub. Haddii qofka uu sameynayo ficillo xaqiiq ah oo xun, waxaa jiro qaabab kale oo aad uga hadli karto ama ereyo asluubeysan oo aad adeegsan karto.
Ceebeysan: Haddii qof uu kugu dhoho ‘waad ceebeysan tahay’, waan og tahay saameynta ay dareenkaaga ku yeelaneyso. Haddaba adiga ha adeegsanin oo dadka haku dhihin.
Karti laawe: Ereygan waa midka ay jecel yihiin madaxda aan iyagaba shaqo wanaagsanayn, waxayna ku canaantaan shaqaalahooda. Ka sheekeynta arrinta waa warbixin dheer, balse waa qaab ay madaxda qof ugu sheegaan in aysan u qalmin qabashada shaqada. Haddaba iska ilaali adeegsigiisa.
Naceyb:Ereyga wuxuu leeyahay micno qoto-dheer. Waxaa la socdo cunsuriyad, faquuq iyo in macno loo yeelo xaalado xun. Waa in aad ereygan ka tirtaa maskaxdaada.
La yaab: In qof aad ku tilmaamto “wax lala yaabo” waxay taas muujineysaa in adiga aad tahay qof caadi ah, iyaguna ay yihiin kuwo aan caadi ahayn. Xaalad ama marxalad waa lagu tilmaami karaa ‘la yaab’ balse dadka laguma sheegi karo.
Niyad-jab: Ma jiro wax ka xun in lagugu dhaho waa lagaa niyad-jabay. Qofka lagama niyad-jabo, balse waxaa la dareemi karaa niyad-jab ku wajahan wax uu sameeyay.
Ha sameynin: Xaqiiqdii waxaa jiro xilliyo uu ereygaan wanaagsan yahay. Balse dadka si joogto ah ha ugu sheegin in wax aysan sameynin. Dhiiragelin u samee oo bar sida waxa aad ka celineyso loo sameeyo.
Xishoo: Muddo ka hor, ereygan waxaa lagu qeexi jiray qof af gaaban oo aan jecleyn in indhaha dadka ay qabtaan. Balse in qof lagu dhoho ‘isku xishoo’ iyadoo goob shaqo la joogo, wuxuu micneheedu yahay in qofka uu sameeyay wax ceeb ah – haddaba haku dhihin dadka kula shaqeeya.
Khalad: Si la mid ah MAYA, ereyga KHALAD wuxuu leeyahay meel loo adeegsado, balse meel kasta laguma isticmaali karo. Qof fikraddiisa muujiyay, haku dhihin waad khaldan tahay. Si kale oo aad fikirkaas ku diido raadi, balse xusuusnow in qof kasta uu isla saxan yahay.
Caajisoole: Ereygan wuxuu sababaa xanaaq maadaama uu la xiriiro howlkarnimada iyo dhiirranaanta qofka. Ereygan si dhif iyo nadir ah u adeegso, balse ha badinin.
Qof liito: Su’aal uma baahno sida aad dareemeyso haddii lagugu dhoho “waxaa tahay qof liita”. Haddii adiga aad qof kale ku dhahdana waa dhibaato wayn iyo yasid.
Waalan: Haddii aad ereygan maqasho ama qof uu kugu dhoho, waxaa hubaal ah in aad xanaaqeyso oo weliba midabkaagu is bedelayo. Ogow in ereygaan uusan ahayn mid fiican oo xitaa dadka dhimirka ka xanuunsan aan lagu dhihi Karin.
Qof lagu caajiso: Waxyaabaha aan noolaha ahayn waa lagu caajisi karaa, balse dadka laguma caajiso. Haddii qof aad ku caajisto, taa micneheedu wuxuu yahay in aadan qofkaa garaneynin. Haddaba ha u adeegsanin dadka.
Foolxumo: Haddii qof aad ku tilmaamto ‘fool xumo’, taas micneheedu wuxuu yahay adigaan naftaada ku kalsooneyn. Weligaa yaan lagaa maqlin ereygaas.
Qof lagu qoslo In aad qof u sheegto in fikraddiisa ay tahay wax lagu qoslo, waa qaabka aad ku dareensiineyso in aad ka sareyso am aka fog tahay. Micnaha wuxuu yahay sida in aad ku dheheyso ‘fikradaada way xun tahay’.
Waxmatare: Marna ma jirto xilli ay sax tahay in qof lagu tilmaamo waxtar-laawe ama wax-matare. Xitaa haddii aad ula jeedo in qofkaas uusan howlkar ahayn ama shaqadiisu wanaagsanayn.