Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda diyaar u ah in ay qorsheyaal waaweyn u fuliyaan si ay Axmed Madoobe ugu saaraan cadaadis siyaasadeed oo xooggan, gudaha iyo dibadda ahba.
Qorshayaashan waxaa si gaar ah uga qayb qaadanaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, oo degaan ahaan ay is xigaan Axmed Madoobe, isla markaana uu ka dhex jira khilaaf siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan hanaanka doorashooyinka iyo damacyada siyaasadeed ee Axmed Madoobe.
Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Socdaalka Xamse waxaa lagu sheegay in uu xiriir la sameyn doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, si uu uga wada hadlo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, taasoo maraysa xaalad aad u kacsan.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu ka qeyb gali doono kulamo muhiim ah oo uu la yeelan doono madaxda dowladda Kenya, kuwaas oo lagu gorfeyn doono xaaladda sii xumaaneysa ee ka dhex jirta Jubbaland iyo dowladda dhexe.
Hadafka safarkan ayaa u muuqda inuu yahay in cadaadis lagu saaro Axmed Madoobe, si loo xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo Dowladda Federaalka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa adag in la saadaaliyo sida dowladda Kenya ay u aqbali doonto cadaadiska lagu rabo inay saarto Axmed Madoobe. Waxa jira caqabado siyaasadeed oo ka hor imanaya, maadaama la aaminsan yahay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi muhiim u ah dowladda Kenya.
Xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Jubbaland ayaa ah mid aad u cakiran, iyadoo labada dhinac—Dowladda Federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe—ay ku wajahsan yihiin khilaaf siyaasadeed oo si cadaadis leh u sii xoogaysanaya.
Waxaa laga cabsi qabaa in xaaladdu u sii xumaato, iyadoo saacad kasta laga yaabo in dagaal xoogan uu dhexmaro ciidamada labada dhinac, si gaar ah deegaanada ku yaal gobolka Jubbada Hoose, oo ay labada dhinac ka joogaan ciidamo muhiim ah.