Goordhow, waxaa hoolka doorashada ee Kismaayo ka bilaaban doona hadal-jeedinta afarta musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Jubaland. Musharixiintaas waxaa ka mid ah Madaxweynaha hadda xilka haya, Axmed Madobe, oo si weyn loo sugayo khudbadiisa.
Hadal-jeedintan musharixiinta ayaa ka dhici doonta hoolka doorashada, waxaana goobta ku sugan dhammaan xubnaha Golaha Wakiilada ee Jubaland, kuwaas oo matalaya shacabka gobolka. Intaas waxaa dheer, xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee ka socda Jubaland, wasiiro ka tirsan maamulka Jubaland, iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa goobta ka qeyb galaya. Hoolka doorashada waxaa sidoo kale joogaya marti sharaf iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadka muhiimka ah ee gobolka.
Madaxweyne Axmed Madobe ayaa daqiiqado ka hor soo galay hoolka doorashada, waxaana su’aalaha ugu badan ee dadku isweydiinayaan waxa uu ka jeedin doono hadal jeedintiisa. Waxaa la filayaa in khudbadiisu ay diiradda saari doonto ajendayaashiisa siyaasadeed iyo qorsheyaasha uu ku riyoonayo inuu ku hirgeliyo maamulka Jubaland hadii uu mar kale ku guuleysto madaxweynenimada. Waxaa kaloo uu ka hadli doonaa xaaladaha siyaasadeed ee gobolka iyo sida uu u arko mustaqbalka Jubaland.
Doorashada madaxweynaha ee Jubaland ayaa noqotay mid xasaasi ah, waxaana Kismaayo ka socota doorasho is barbar yaac ah oo xiisad xooggan ka dhex abuuraysa musharixiinta iyo taageerayaashooda. Shalay, Kismaayo waxaa ka dhacay doorasho kale oo lagu doortay Senator Ilyaas Gaboose, taas oo sii xoojisay khilaafaadka ka dhex jira siyaasadda Jubaland. Xaaladda siyaasadeed ee gobolka ayaa hadda aad u kacsan, waxaana doorashada madaxweynaha ay noqotay mid muran badan ka dhalisay.
Si kasta ha ahaatee, hadda waxaa dhacaysa hadal jeedinta musharrixinta, waxaana dadka ka qeyb galaya doorashada si weyn u sugayaan waxa Madaxweyne Axmed Madobe uu ka hadlayo, maadaama uu yahay musharaxa ugu weyn ee doorashada. Tani waxay sidoo kale saameyn ku yeelan doontaa sida loo arko mustaqbalka siyaasadeed ee Jubaland iyo heerka ay gaari doonto xasilloonida gudaha ee maamulka gobolka.