Saaka, magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda qabanqaabada doorasho aad loo xiiseynayo, taasoo si weyn looga qabo in Axmed Maxamed Islaam, oo loo yaqaan Axmed Madoobe, uu mar kale dib isugu caleema saari doono. Diyaargarowga ugu dambeeyay ayaa socdo, waxaana goordhow bilaaban doonta codeynta doorashada. Natiijada doorashadan ayaa si xooggan loo saadaalinayaa inay ku soo baxdo Axmed Madoobe, iyada oo ay jirto rajo weyn oo laga qabo inuu markale ku guuleysto jagada madaxweynaha.
Tartanka doorashada waxaa ku loolami doona illaa afar musharax oo kala ah:
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) – Madaxweynaha hadda talada haya, oo ah musharraxa ugu xooggan.
Faysal Maxamed Mataan
Abubakar Cabdi Xasan
Dr. Cabdi Xasan Xajiin
Inkasta oo ay jiraan musharrixiin kale, haddana waxaa la aaminsan yahay in kuwani yihiin “maqaar saar” oo aan si dhab ah uga qeyb galayn tartanka, iyaga oo loo arko inay yihiin taageerayaal ku jira tartanka si loogu muujiyo in doorashadu ay tahay mid daah-furan.
Amniga magaalada Kismaayo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo farabadan lagu arkayo waddooyinka magaalada, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo nabadgelyada inta doorashadu socoto. Magaalada Kismaayo ayaa xaaladeedu kacsan tahay, waxaana si weyn loo dareemayaa khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.
Doorashada maanta ka dhacaysa Kismaayo ayaa si weyn loogu arkaa inay tahay mid Axmed Madoobe uu si gaar ah u maamulayo, iyadoo ay jirto shakiga ku saabsan in uu mar kale si fudud ugu soo noqon doono madaxweyne. Tani waxay sii adkaynaysaa xiisadaha iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka iyo guud ahaan dalka.