Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxweynaha hadda talada haya ee maamulka Jubbaland, ayaa saaka ka hadlay in aanay jirin wax aqoonsi ah oo uu kaga baahan yahay dowladda federaalka, xataa haddii ay diido aqoonsiga doorashada uu isagu isku caleema saarayo.
Waxaa la weydiiyay inuu ka walwalsan yahay falcelinta dowladda federaalka ee ku saabsan doorashada, waxaana uu si degan uga jawaabay, “Wax aqoonsi ah kuma baahni dowladda federaalka. Shacabka Jubbaland ayaan aqoonsi ka haystaa”.
Axmed Madoobe ayaa hadda ku sugan hoolka doorashada, halkaas oo ay saaka ka socoto diyaar garowga ugu dambeeyay.
Waxaa uu la loolami doonaa saddex musharax oo la aaminsan yahay inay yihiin kuwa aan si dhab ah ugu dagaallamaynin xilka, balse ay ku jiraan tartanka si muuqaal ahaan loo muujiyo in doorashadu tahay mid daahfuran, halka qaar kale ay ku tilmaamaan “maqaar saar.” Musharrixiinta tartanka ku jira waa:
Faysal Maxamed Mataan
Abubakar Cabdi Xasan
Dr. Cabdi Xasan Xajiin
Diyaargarowga doorashada ayaa hadda si weyn loo xoojiyay, waxaana magaalada Kismaayo ku sugan ciidamo fara badan oo ilaalinaya amniga iyo xasilloonida inta doorashadu socoto. Amniga ayaa si xooggan loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka magaalada laga dareemayo ciidamo joogto ah, kuwaas oo ka hortagaya isku dhac kasta oo dhici kara, isla markaana ka hortagaya falal carqaladeyn ah oo ka imaan kara dhinacyada ka soo horjeeda doorashada.
Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in Axmed Madoobe uu ku guuleysan doono doorashadan, iyadoo rajo weyn laga qabo in uu mar kale ku soo laabto jagada madaxweynaha ee Jubbaland. Si kastaba, xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku sii shareeray, waxaana muuqata in khilaafkooda uu sii xoogeysan doono, gaar ahaan haddii doorashadu noqoto mid aan la aqbali karin.
Xaalad kacsan oo ka jirta gobolka iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee labada dhinac ayaa ka dhigan in doorashadan ay noqon karto mid ka sii daraysa xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.