Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro bambaanooyin ah oo xalay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay. Weeraradan ayaa ahaa kuwo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday guryo ay degan yihiin saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Bambooyinka, oo ahaa nooca gacanta laga tuuro, ayaa lagu weeraray guryaha saraakiisha, inkastoo xilliga weerarka uu dhacay ay saraakiishu guryahooda ka maqnaayeen. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la soo wariyay in qaraxyada ay waxyeelo gaarsiiyeen xubno ka mid ah qoysaska saraakiisha la weeraray iyo qaar ka mid ah ilaaladooda, inkastoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna warbaahintooda ku faafiyeen in weerarka uu ku dhacay sidii ay qorsheeyeen, iyagoo xusay in khasaare ay gaarsiiyeen ilaaladii saraakiisha sare ee guryahooda la weeraray.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Koonfur Galbeed oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarada bambaanooyinka ah ee xalay lagu qaaday guryaha saraakiisha maamulkaas. Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid cabsi leh, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga helo xaaladda amni ee halkaasi.