Saaka aroortii hore ayaa magaalada Caabudwaaq lagu waaberiistay howlgal ballaaran oo ay fuliyeen ciidamada booliiska, kaas oo lagu beegsaday dadka Itoobiyaanka ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.
Sawirro iyo muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya boqolaal qof oo Oromo ah oo waddooyinka lasoo dhoobay, kuwaas oo intooda badan si degdeg ah xabsiyada loogu gudbiyay.
Warar laga helayo ilo wareedyo maxalli ah ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay ka dambeysay cabashooyin ka yimid dadka deegaanka oo ku eedeeyay kooxaha Oromada in ay si xad-dhaaf ah ugu lug yeesheen dhibaatooyin bulshada saameeyay. Waxaa ka mid ah eedeymaha ugu waaweyn tuugsiga badan ee xaafadaha lagu arkayo iyo aruurinta biraha oo dhibaato ku noqotay dadka deegaanka.
Booliiska ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Caabudwaaq, iyaga oo ku adkeystay in ay sii wadi doonaan tallaabooyinka ka dhanka ah cid kasta oo lagu arko inay carqalad ku tahay nolosha bulshada deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalkan, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo lagama maarmaan ah oo gacan ka geysan karta sugidda nabadda iyo hagaajinta xaaladda nolosha ee Caabudwaaq. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira baaqyo loogu yeerayo in arrintan si nabadgalyo leh loo maareeyo, iyada oo la tixgelinayo xuquuqda bani’aadamka.