Ciidamadda Booliska Puntland ayaa qaadey talaabo yaableh,kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiigle baxsadda sida ay warbaahinta ka sheegeen saraakiil boolis ah.
Eedeysanaha baxsadka ah ayaa soo qabashadiisa waxaa iska kaashadey Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxaana laga soo qabtey dalka Kenya.
Ninkan oo laga dajiyey garoonka diyaaraha ee Garoowe ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cumar Ciise waxana uu ku deeyeysan yahay in uu diley Axmed Cabdulaahi Faarax oo ahaa Askari ka tirsan booliska Puntland,taariikhdu markii ay ahayd 27/5/2023kii.
Booliska Puntland ayaa sheegey in lagu raad joogey in ka badan sanad ugu danbeyntiina gacanta lagu soo dhigey,waxana ka qayb qaatey laamaha ammaanka Puntland iyo Booliiska caalamiga ah ee looyaqaan Interpol.Booliska Puntland ayaa diginiin culus u direy,cid kasta oo isu dayda in ay wax u dhinto Amniga.