Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay eedaysane loo haysto inuu faafinaayay anshax xumo iyo falal lid ku ah dhaqanka Soomaalida sida ay hadalka u dhigeen. Wiilka xiran ee aan wali maxkamad la keenin ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn looga yaqaanno Baraha Bulshada,
Booliska ayaa sawirkiisa iyo xogtiisa soo bandhigay eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal oo 24 jir ah, kuna eedeysan anshax-darro.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabada ay kusoo qabteen ay ahayd mid lagu ilaanayo dhaqanka wanaagsan iyo Anshaxa, maaddaama sida ay sheegeen eedaysanuhu faafinayay falal anshax xumo.
“Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal oo 24 jir ah, kuna eedeysan anshax-darro. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa u taagan ka hortagga fal-kasta oo wax u dhibaya diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.
Eedaysane Ashraf Cali Nuur Sahal ayaa dhawaanahaan hadal hayn badan ka dhaliyay Baraha bulshada, gaar ahaanna barta TikTok halkaas oo uu kusoo gudbinayay muuqaallo aysan jeclaysan ka mid ah bulshada.
Waxaa jiray qaybo bulshada ka mid ah oo dalbanayay in Boolisku ay wax ka qabtaan muuqaallada uu faafinayay eedaysane Ashraf Cali Nuur Sahal.