War
Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku aaddan ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana farriin ay u direen shaqsiyaaad ku howlan falal lid ku ah ammaanka magaalada.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu ogaysay bulshada ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda in maanta kadib aan la ogolaa doonin gaadiid aan Taarigo laheyn oo maraya waddooyiinka Caasimadda.
Muwaadiniinta Caasimadda ayaa sidoo kale loogu baaqay inay qayb muhiim ah ka qaataan sugidda ammaanka caaasimadda.
“Fadlan muwaadin kala shaqey hay’adaha amniga sidii loo sugi lahaa amniga Caasimada oo gaariga ku xiro taariko, si loo garto sumadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.