Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in xaley lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan).
Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.
Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas oo maxkamadeyntoodu socoto.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore wacad ugu marey,in ay xabsiga geynayaan cid kasta oo soo gudbisa wax anshaxa suuban lid ku ah.
Waxaa hore xabsiga loo dhigay dhalinyaro badan oo caan ka ah barta Tik-Tok kuwaas oo ku kacay kicin bulsheed,hadana ay socoto qaadida maxkamadeyntooda.