Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin dagaalamayaasha Al Shabaab, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo dagaalamayaasha Alshabaab.
Todobaadkan gudihiisa ayaa waxaa warbaahintu aad u baahisey,in Al Shabaab wadahadal lala furaayo balse warkaas waxaa beeneyey madaxweynaha,waxana uu sheegay in xiligan lala hadleyn dagaalamayaasha Al Shabaab.
Wajiga labaad ee dagaalka ayaa lagu wadaa inuu ka billowdo Maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay aad ugu xiigan yihiin,Al Shabaab. Waxaase xusid mudan in dhowr jeer oo ay dowladdu iclaamisay billowga wajiga labaad ee dagaalka aanu si dhab ah u higelin. Shacabka Soomaaliyeed ayaa naawilaya in mar uun lasoo afmeero dagaalka daba dheeraaday ee looga soo horjeedo kooxdan.