Magaalada Ceerigaabo, oo ah xarunta Gobolka Sanaag, ayaa saaka ku jirta xaalad adag oo xiisad dagaal ay ka taagan tahay. Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa laga dareemayaa guud ahaan xaafadaha magaalada, taas oo abuuray cabsi iyo kacsanaan weyn oo ka dhex taagan bulshada deegaanka.
Xiisaddan ayaa dhalatay kadib markii la dilay ganacsade caan ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Sanjocor. Dilkan ayaa daba socday dilal kale oo horey uga dhacay magaalada, kuwaas oo dhammaantood loo arko kuwo salka ku haya aano qabiil. Waxaa la rumeysan yahay in colaadda u dhaxaysa maamulka SSC-Khaatumo iyo Somaliland ay qayb weyn ka tahay fowdada ka taagan Ceerigaabo.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay soo saaray war-saxaafadeed ay si cad ugu eedeeyeen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, in uu hurinayo colaadda ka jirta degaanka. Waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen in Muuse Biixi uu mas’uuliyad ka qaadan doono wixii ka dhaca magaalada. Xiisadda oo sii xoogeysaneysa ayaa ka dhigtay Ceerigaabo meel aan degganeyn oo xaaladdeeda laga cabsi qabo.
Sidoo kale war kasoo baxay Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkan uu hurinaayo madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud.