Saacadihii lasoo dhaafay, Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa weerar culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla dhulka howdka ah ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkan ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen xog sirdoon oo muujineysa in goobtaasi ay saldhig u tahay xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada Jubbaland ayaa weerarkan ka fuliyay meel u dhow deegaanka Buula-Gaduud, iyaga oo halkaasi ku dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, qaar kalena dhaawacay. Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay hub iyo agab kale oo ay adeegsanayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa qayb ka ah hawlgallada ballaaran ee ciidamadu ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo doonaya inay ka xoreeyaan deegaanada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab. Hawlgalladan ayaa sidoo kale looga gol leeyahay in laga hortago weerarada ay Al-Shabaab ka geysan karaan gudaha Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Gobolka Jubbada Hoose ayaa ah mid kamid ah meelaha ay Al-Shabaab ku xooggan tahay, iyadoo inta badan dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhaco deegaanno ku yaalla gobolkaasi. Dowladda Jubbaland iyo ciidamada kale ee taageeraya ayaa sii wadi doona dadaallada ay ku doonayaan inay ku sugaan amniga iyo xasilloonida gobolka.
Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidamada Guutada Bir-jeex ee Daraawiishta Jubbaland, waxayna ku beegsadeen saddex xubnood oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.
Warsaxaafadeed laga soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen laba kamid ah xubnaha Al-Shabaab, mid kale ay dhaawac kusoo qabteen.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in xubnahan ay qayb ka ahaayeen weerarkii Al-Shabaab dhowaan ku qaadeen deegaanka Buulo-xaajo, kaas oo lagu jabiyay isla iyagii.
Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-
Geesiyaasha Guutada Bir-jeex ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland goor dhow waxa ay meel howd ah oo dhinaca galbeed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ka heleen sadex dhagar qabe oo hubaysan oo qeyb ka ahaa weerarkii ay ku jabeen kuwaas oo waayahaanba ku dhuumanayay howdka.
Waxaa usuura gashay in labana ay khaarijiyaan midna ay dhaawac ku qabteen kaas oo hadda lagu hayo goob caafimaad oo ciidamada gaar u ah, sidoo kale hubkii ay wateena waa laga furtay.