Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka
dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen dhinaca degmada Buulo-burde ee gobolkaasi.
Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay qaadaan guluf
ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan Hiiraan, si ay uga xoreeyaan deegaanada ay ka
haystaan gobolkaasi.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ayaa sheegay inay u ruqaansan doonaan deegaanada ay
joogaan Al-Shabaab, isla markaana ay ka saari doonaan.
Sidoo kale waxaa ciidamadan dhiirogelin ugu tegay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qayb ka ah abaabulka ka
socda halkaasi.
Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay weli ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ka howlgala ciidamada
dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.