Wararka ka imaanaya deegaanka Raas Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamo badan oo ka tirsanaa maamulka Jubbaland ay ku biireen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan halkaas. Ciidamadan oo gaarayay afar doon oo xambaarsanaa qalabkooda dagaal iyo ciidankooda ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Raas Kambooni, halkaas oo ay ka socoto diyaar-garow ballaaran oo lagu wiiqayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan Jubbaland.
Qoraal ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay isgarab-taagga ciidamada si loo xoreeyo deegaannada Jubbaland ee wali ku jira gacanta Al-Shabaab.
“Ilaa afar doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raas Kambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah laga xoreeyo deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.”Ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay dowlada.
Soo dhaweynta ciidamada waxaa hoggaaminayay saraakiil sare oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku bogaadiyay Jubbaland doorkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mid ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Jubbaland ee maanta ku biiray dowladda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wada-shaqeynta cusub ee lala yeelanayo ciidamada qaranka. Sarkaalka ayaa yiri:
“Anigu wax dowlad ah horay uma soo arkin, tii Siyaad Barre na sooma gaarin, waana ku faraxsanahay inaan hadda arko dowlad dadaalkeeda uu nasoo gaaray. Ujeedkeenna ma ahan inaan nambar ama xuquuq gaar ah helno, balse waa inaan dowladnimada garab istaagno oo aan si wadajir ah cadowga uga xoreyno guud ahaan dalka.”
Hadalkan ayaa si weyn uga tarjumaya rajada iyo dhiirrigelinta ku jirta saraakiisha iyo ciidanka Jubbaland ee ku biiraya howlgalka qaran ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Todobaadkii lasoo dhaafay, dowladda federaalka ayaa ciidamo badan oo ka soo ambabaxay Muqdisho geysay Raas Kambooni, iyagoo halkaas gaarey iyada oo loo adeegsanayo diyaarado militari. Ciidamadaas oo lagu daabulay si weyn ayaa lagu soo warramayaa inay ku guuleysteen inay helaan taageerada ciidamada Jubbaland, taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa abaabulka dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Howlgalka Raas Kambooni ayaa ah mid muhiim ah, maadaama uu saldhig u noqon karo qorshayaasha ballaaran ee xoreynta gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbaland oo dhan.
Tallaabadan wadajirka ah ee ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa astaan u ah isbeddelka weyn ee ka socda dalka, gaar ahaan Jubbaland. Isku soo biiritaanka labada ciidan ayaa lagu wadaa inay kaalin weyn ka qaadato xoojinta amniga iyo xoreynta deegaannada weli ku jira gacanta kooxaha argagixisada ah.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ciidamada wadajir u billaabaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo garab ka helaya shacabka iyo maamulada gobolka.