Maamulka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho gacanta ku dhigay burcad caadeystay in uu dhaco bulshada ku nool Waaxda Xalane ee degmada. Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala degmada Wadajir ayaa burcaddaasi ku soo qabtay iyagoo falal burcadnimo kula kacaya shacabka, waxaana ninkii burcadda ahaa lagu helay isagoo hubeysan mindi.
Isla markiiba, wuxuu lagu wareejiyay saldhigga booliska degmada Wadajir, halkaas oo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo si cadaaladda loo marsiiyo.
Degmada Wadajir oo ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayaa dhawaanahan la tacaaleysay falal burcadnimo oo saameyn ku yeeshay shacabka, gaar ahaan xaafadaha Waaxda Xalane oo dhibaatooyin joogto ah ay ka jireen.
Ciidamada amniga ayaa si degdeg ah uga falceliyay cabashooyin ka soo yeeray bulshada, taasoo keentay in burcaddaas gacanta lagu soo dhigo iyadoo lagu soo eedeeyay inay caadeysteen dhaca iyo argagixinta dadka deegaanka.
Saraakiisha ammaanka ee Wadajir ayaa tilmaamay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee burcad noocan oo kale ah la qabto. Horay ayaa gacanta loogu dhigay kooxo kale oo ku hawlanaa falal burcadnimo, kuwaas oo qaarkood maxkamad lasoo taagay, halka kuwa kalena ay baaritaanno dheeraad ah ku socdeen.
Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira hawlgallo ballaaran oo ka socda guud ahaan xaafadaha Muqdisho, si looga hortago burcadda iyo kooxaha amni-darrada ka abuura caasimadda.
Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay ciidamada ammaanka ku qabteen burcadda, iyagoo rajo ka muujiyay in amniga xaafadaha si buuxda loo sugi doono.