Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA), oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka, ayaa guul weyn ka soo hooyay howlgallo bartilmaameed ah oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Hawlgalladaas ayaa lagu dilay ilaa 47 xubnood oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa goobaha ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo dagaal.
Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah. Hawlgalladan qorsheysan ayaa sababay dhimashada tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta, halka sidoo kale la burburiyay fariisimihii ay ku sugnaayeen. Tani waxay daciifisay awoodda kooxdaas ee gobolka, iyada oo fariisimadii ay isku aruursan jireen ay noqdeen kuwo gabi ahaanba la baabi’iyay.
Intii uu socday hawlgalka, ciidamada qaranka ayaa ku guuleystay inay burburiyaan gaari nooca Soomaalida u taqaano “Layla Calaawi,” kaas oo cadowgu ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Gaadhigan qaraxyada lagu soo rakibay ayaa ka mid ahaa hubka ay Khawaarijtu u adeegsan jireen weerarradooda argagixiso, balse ciidamada qaranku waxay ku fashiliyeen qorshihii Khawaarijta, iyagoo gaarigaas burburiyay ka hor inta uusan waxyeello geysan.
Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa hawlgallo sifeyn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, halkaas oo ay ku guuleysteen inay burburiyaan goobo kale oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Khawaarijta. Howlgalladan ayaa ahaa kuwa qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday meelaha ay kooxda Khawaarijtu isku urursanayeen iyo goobaha ay ku qarinayeen hubkooda.
Dowladda Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, ayaa dardargelisay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo si joogto ah u fulinaysa hawlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha iyo saldhigyada kooxdaan argagixisada ah. Dowladdu waxay ku adkeysaneysaa in la labo jibaarayo dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, kuwaas oo ay ku tilmaamtay cadowga ugu weyn ee ku soo duulay dalka.