Ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wacyigalin ka b ilaabey degmadda Buulo Xaajo oo dhawaan,ciidanka dawladda ay gacanta ku dhigeen.
Taliyaha Ciidanka kumaandooska Danab ee Jubbaland Carab Dheeg, ayaa shacabka deegaanka Buulo-Xaaji ka ballan-qaaday in deegaanka aysan Khawaarij ku soo laaban doonin, isagoo bulshada ka dalbaday in ay dowladdooda la shaqeeyaan.
Taliye Dheeg oo la hadlayay shacabka ku dhaqan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa bulshada kula dardaarmay in aysan wax xiriir ah la samayn khawaarijta la macaamilkoodana ay joojiyaan.
Taliyaha Ciidanka kumaandooskaDanab ee Jubbaland, ayaa bulshada faray in ay si wanaagsan la shaqeeyaan dowladda, wuxuuna sheegay in aysan ka laaban doonin Buulo Xaajo oo ay degi doonaan, wuxuuna ku celceliyay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.
Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan gacanta ku dhigay Tuulada Buulo Xaaji iyo deegaanno hoos taga, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlagallo lagu xaqiijinayo ammaanka kana billaabay olole wacyi gelin ah oo shacabka looga mayrayo fikirka Al Shabaab iyo baqdinta ay ka qabeen gaca jugleynta dagaalamayaasha Al Sahabaab.
Madaxweynaha maamulkas oo booqdey shaley Degmadan laga xoreeyey Al Shabaab ayaa waxa uu balan qaadey in adeegyada bulshadda la gaadhsiin doono degmadaas.