Ciidanka Xoogga Dalka oo sameeyey howlgallo ka dhan dagaalamayaasha Al Shabaab,kana wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miinooyin ay Al Shabaab ku aaseen wadada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.
Dagaalamayaasha Al Shabaab, ayaa doonayey in miinooyinkaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ayaa ka hortegay, iyagoo soo bandhigay miinooyinkii ay ka soo saareen wadada xiriirisa Mesagawaay iyo tuulada Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maalihii u danbeeyey sameeyey,howlgalo lagu beegsanaayo Al Shabaab.Ciidanka Qaranka ayaa shaley shaaciyey,in ay cagta mariyeeen dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab,waxana ay tirada ay dileen ku sheegeen 10 horjooge.
Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka ah ee Soomaalya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fagaare ka sheegey in Al Shabaab cadaw dalka ragadiyey yihiin,isla markaasna dalka laga xoreynaayo.Waxana uu ku dhawaaaqayn in aan lala macaamili karin.