Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ilkacade, kaas oo qiyaastii 25 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan. Dagaalkan ayaa duhurnimadii maanta dhexmaray ciidamo taageersan gaadiidleyda gobolka Hiiraan oo xirtay waddada laamiga ah, iyo ciidamo kale oo isku dayay inay xoog ku gudbaan waddadaas.
Sida ay wararku xaqiijinayaan, ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Xaaladda deegaanka Ilkacade ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo labada ciidan aysan weli kala fogaanin, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in dagaal kale uu mar kale qarxo. Wararka ayaa tilmaamaya in dhinacyada isku haya waddada aysan weli heshiis ama xabad joojin ka gaarin dagaalka, taas oo keentay in deegaanka ay ku jirto xaalad hubanti la’aan ah.
Gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayaa go’aansaday inay xiraan waddada laamiga ah ee isku xirta gobollada waqooyi iyo magaalada Baledweyne, iyagoo ka jawaabaya kordhinta isbaarooyinka sharci darrada ah ee yaalla inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan. Isbaarooyinkan, oo si joogto ah loogu dhibo gaadiidka mara waddadan, ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee haysata gaadiidleyda gobolka, taasoo sababtay in ay ku dhaqaaqaan tallaabo ay ku joojiyeen isku socodka gaadiidkii ka bixi jiray Baledweyne.
Gaadiidleyda ayaa si gaar ah u xanibay gaadiidka sida qudaarta, xoolaha, iyo raashinka ee ka bixi jiray magaalada Baledweyne, iyagoo ku dhawaaqay in waddadaas ay xirnaan doonto ilaa inta xal rasmi ah looga helayo dhibaatada isbaarooyinka. Masuuliyiinta gaadiidleyda ayaa sheegay inay ku qasban yihiin inay tallaabadan qaadaan, maadaama dhibaatada isbaarooyinku noqotay mid caqabad ku ah dhaqaalaha iyo nolosha dadka gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u ballanqaaday inay tallaabo ka qaadi doonto kooxaha dhigta isbaarooyinka sharci darrada ah ee waddooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn, balse gaadiidleyda ayaa sheegtay in aan wax ficil ah laga fulin ballanqaadyadaas, taasoo keentay in xiisadani ka dhalato gobolka Hiiraan.