Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ka bilowday nawaaxiga deegaanka Raas Kambooni, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Manaraani, oo qiyaastii 30km u jira Raas Kambooni. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, waxaana labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Faahfaahinta Dagaalka
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaayeen deegaanka Raas Kambooni, halkaas oo ay ku diyaariyeen ciidamo badan. Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga socda deegaanka Manaraani oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo ciidanka labada dhinac.
Lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxaa lasoo sheegayaa in dagaalka uu yahay mid aad u xooggan, iyadoo dhinacyadu ay kala helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qulqulaya furinta hore ee dagaalka.
Hadallada Iska Soo Horjeeda ee Labada Dhinac
Dowladda federaalka ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka, hase yeeshee maamulka Jubbaland ayaa eedeyn kulul u jeediyay ciidanka dowladda. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay weerar ku qaadeen difaacyadii Jubbaland ee deegaanka Manaraani.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa ku faantay iney la wareegtay difaacyadii ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen afaafka hore ee Raas Kambooni, iyadoo sheegtay inay gaarsiiyeen khasaare ballaaran.
Xaaladda Guud
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay goobta dagaalka ayaa sheegaya in xaaladda ay weli kacsan tahay, iyadoo labada dhinac ay dagaalka sii xoojinayaan. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in gurmadyo cusub ay kusii jeedaan goobta dagaalka, taasoo ka dhigan in colaadda ay sii socon karto saacadaha soo socda.
Dagaalkan ayaa ka mid ah xiisadaha siyaasadeed iyo militari ee muddada dheer ka taagnaa Jubbaland, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo dowladdu ay ku wajahday caqabado dhinaca maamulka ah.