Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Mudug ayaa seheegaya in maanta halkaas ka dhacay dagaal culus,oo u dhexeeya maleeshiyo beleed wada dega Gobolkaas.
Inta la xaqijiyay 10 qof ayaa dhimatay tiro kalana way ku dhawacmeen dagaal maanta ka dhacay waqooyi bari ee gobalka Mudug.
Dagaalka oo u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo halkaa wada dagan ayaa sida dadka deegaanku ay Yeel Media u xaqiijiyeen waxa uu salka ku hayaa dilal horey uga dhacay deegaano hoos taga Afbarwaaqo ee gobalka Mudug
Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay la xiriirtay Yeel Media ayaa u sheegay inay wadaan dadaalo lagu joojinayao dagaalka.
Soomaaliya markii uu ka dumey Qarankii filka weynaa,waxaa shacabka Soomaaliyeed gacanta u galey hubkii dawladii awoodda badneyd ee Siyaad Barre hogaaminaayey.
Kadib iyaga ayaa cadaw isu noqdey hubkii cuslaana dhexdooda isu gumaadey,culimo awdiinka Soomaaliyeed ayaa mar kasta shacabka ku baraarujiya sida uu dhiiga qofka muslimka ah Illaahey u Xarimey.
Balse dubaaqooda warkaas uma dhaadhicin,maalinba gees kamida Soomaaliya ayaa laga soo sheegaa war dhiilo leh.