Xogo laga ururiyay ilo kala duwan ayaa tibaaxaya faahfaahin ku saabsan iibka saanadaha millatari ee wadamada Yurub ay ka iibiyeen Israa’iil tan iyo markii uu billowday, dagaalka Isra’el ay kula jirto Xamaas, bishii October ee sannadkii tagay.
Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka, oo uu Maraykanka wehliyo ayaa isu gayn 81% ka ahaa hubka Bariga Dhexe laga soo dejiyay intii u dhaxaysay 2019 iyo 2023, sida uu taxliilinayo Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), waa machad caalami ah oo madax-bannaan oo fadhigiisu yahay Sweden oo u dhuun daloola cilmi-baarista colaadda , Hubka, Xakamaynta Hubka iyo Hub ka dhigista.
Kharashaadka milatari ee Israel ayaa kor u kacay 24%. Waxa ay kharash gareeyeen illaa $27.5 bilyan inta ay socdeen weerarada ay ku qaadeen Gaza, taasoo gelinayso kaalinta labaad dhanka kharashka ugu badan ee milatariga ku baxay guud ahaan bariga dhexe.
Laga soo bilaabo 2014 ilaa 2022, Midowga Yurub waxa uu qalinka ku duubay hub dhoofin Israel ay dalbatay kaasoo qiimo ahaan gaaraya $6.8 bilyan.
Hubkan ayaa la tuhunsan yahay inuu gacan ka geystay xasuuqa in ka badan 38,000 oo rayid ah oo ku nool Gaza, oo ay ku jiraan 10,000 oo haween ah iyo in ka badan 15,000 oo carruur ah.
In kasta oo qaar ka mid ah dalalka Yurub oo ay ku jiraan Belgium, Italy, Netherlands iyo Spain ay dib ka go’aansadeen inay joojiyaan hubka ay ka iibinayaan Israa’iil, haddana waxaa soo baxayay warar saxaafadeed oo sheegaya in ganacsigan uu si uun u sii socday.