Bartamihii 1970-meeyadii, saynisyahannadu waxay ka digeen in qaar ka mida kiimikooyinka sida joogtada ah loo soo saaro loona adeegsado ay dhaawac u gaysanayaan lakabka ozone ee jawiga dhulka. Hayeeshee xilligaa ma aysan ogayn xajmiga uu leeyahay dhaawacu. Sherwood Rowland iyo Mario Molina oo ahaa labadii kimistariyahan ee ogaaday arrintan waxay daah-faydkooda ku mutaysteen billadda Nobel ee kimistaariga
Lakabka ozone wuxuu oogada dhulka ka sarreeyaa 10 illaa 30 KM wuxuuna noolayaasha ku dhaqan kaga gudban yahay kana ilaaliyaa shucaaca UV light ee ka yimaada qorraxda, waxyeellada badanna keeni kara.
Sanadkii 1985, saynisyahannada reer Ingiriis ee Joseph Farman, Brian Gardiner iyo J. Shanklin ayaa soo wariyay inuu sii dhuubanayo oo sii yaraanayo lakabka ozone (ozone depletion) ee ku beegan Antarctica. Waxay daahiradan markii dambe qaadatay magaca ‘daloolka ozone’ (ozone hole). U-kuur-galid loo adeegsaday satellite-yada ayaa lagu xaqiijiyay dhuubashada lakabka ozone ee ka sarreeya gobolka Antarctic.
Daah-faydkii daloolka ozone wuxuu si deg deg ah u abuuray walaac weyn oo ay ka sinmeen saynisyahannadii iyo dadweynihii adduunka. Hay’adaha caalamiga ah ee UNEP iyo WMO oo sameeyay qiimayn ayaa soo jeediyay in tallaabooyin deg deg ah la qaado.
Dayrtii 1987 ayay dalalka dunidu isugu yimaadeen shir ka dhacay magaalada Montreal ee dalka Kanada si looga arrinsado qadiyadda sii-shiiqitaanka lakabka ozone. Waxaa shirkaa kasoo baxay heshiiskii caanka ahaa ee Montreal Protocol kaasoo ay ku jireen qodobbo masiiri ah oo ay ka mid ahaayeen joojinta soo saarista iyo adeegsiga kiimikooyinka sababta u ah dhuubashada ozone.
Heshiiska Montreal wuxuu ahaa mid ka mida heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira bii’ada ee ugu guusha badnaa marka laga hadlayo natiijada ka dhalatay hirgalinta qodobadiisa. Qiimaynno kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in daloolkii ozone ee Antarctica uu sii yaraanayo. Hay’adda UNEP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan bii’ada waxay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in lakabka ozone la filayo inuu ku laabto heerkii 1980-meeyadi haddii lasii wado hirgalinta heshiiskii Montreal.