Masar, Soomaaliya, iyo Eritrea ayaa sameystay isbaheysi cusub oo xooggan, kaas oo ujeedkiisu yahay difaaca Badda Cas, iyagoo si gaar ah uga hortagaya tallaabooyin uu Itoobiya damacsan tahay inay ku xaqiijiso marin badeed ka baxsan xuduudaheeda. Heshiiskan cusub ayaa yimid kadib markii ciidamada Masar ay heshiis difaac oo muhiim ah la saxiixdeen Eritrea, kaas oo dhigaya in haddii loo baahdo, maraakiibta dagaalka ee Masar loo diri karo Eritrea si ay u difaacaan Badda Cas.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa fiidkii gaaray Eritrea, halkaas oo uu ku bilaabanayo safar rasmi ah oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo siyaasadda ee saddexdan dal. Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, taas oo muujineysa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Asmara iyo Muqdisho. Warar qaar ayaa sheegaya in Asmara uu ka dhacayo kulan saddex geesood ah oo dhex mari doona hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, si ay uga wada hadlaan arrimaha badda iyo difaaca gobolka.
Soomaaliya ayaa xaqiijisay in booqashada shaqo ee madaxweynaha ay tahay mid lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Qodobada ugu waaweyn ee laga hadlayo waxaa kamid ah sidii looga hortagi lahaa khataraha ka imaanaya qorshaha Itoobiya ay dooneyso inay hirgeliso heshiis ay la gashay Somaliland horraantii sanadkan, kaas oo ogolaanaya in Itoobiya ay marin u hesho Badda Cas. Heshiiskan, oo ka cadhaysiiyay Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, ayaa u muuqda mid ku saabsan arrimo taabanaya amniga qaranka iyo jiritaanka saddexdan dal, kuwaas oo hadda si degdeg ah ugu midoobay iskaashiga milateri iyo difaac ee Badda Cas.
Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay isku dayga Itoobiya ayaa ah mid welwel xooggan ku abuurtay dalalkan, kuwaas oo u arkaya in Itoobiya ay dooneyso inay ku tillaabsato siyaasad halis gelin karta xasilloonida gobolka iyo danahooda qaran. Boqolaal kun oo doollar ayaa la filayaa inay ku baxaan qorshahan isbaheysiga, iyadoo saddexdan dal ay sameynayaan tallaabooyin ku wajahan xoojinta awoodda badda iyo difaaca dhulka, taas oo qeyb ka ah istaraatiijiyadda cusub ee iskaashiga saddex geesoodka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu Xasan Sheekh Maxamuud mar kale xilka qabtay xoogga saareysay xoojinta xiriirada diblomaasiyadeed iyo amni ee la yeelaneyso dalalka gobolka. Booqashada madaxda saddexda dal ayaa sidoo kale ka dambeysay safar aan la filayn oo uu todobaadkii hore ku tagay Eritrea Taliyaha Sirdoonka Masar, kaas oo la kulmay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki. Bishii hore, magaalada New York, ayaa sidoo kale lagu arkay kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, taas oo muujineysa isku xirnaan siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.
Dhammaan tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya sida ay Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea uga go’an tahay in la xoojiyo difaaca iyo amniga Badda Cas, iyagoo ku midoobaya ka hortagga damaca Itoobiya ee doonaysa in ay hesho marin u sahasha inay si toos ah uga faa’iideysato Badda Cas, taas oo saddexdan dal u arkaan khatar weyn oo taabanaysa amnigooda qaran iyo xasilloonida gobolka. Isbaheysigan cusub wuxuu ka dhigan yahay in dalalkan ay hadda qorsheynayaan inay u wada istaagaan difaaca danahooda badeed iyo kuwa dhuleed si wadajir ah.