Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kazoo saartay hub iyo saanad millateri oo shalay koox Malleyshiyaad ah ay kula wareegeen duleedka Caabudwaaq.
War-murtiyeed kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July ay gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud.
Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigaymaleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo.
Warka kazoo baxay Dowladda ayaa sidoo kale lagu yiri “Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran,waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah”.
Dowladda ayaa sidoo kale farriin u dirtay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka, waxaana la faray Hay’adaha Amniga in ay kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas”