Magaalada Laascaanood, ee xarunta ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, shalay galab waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh. Wiil yar oo afar jir ah ayaa ku dhacay suuli ku yaal magaalada. Dhacdadan murugada leh ayaa la sheegay in wiilka yar uu si lama filaan ah ugu dhacay suuliga, taas oo keentay in samata bixiyeyaal lagu wargeliyo dhacdada si ay uga soo badbaadiyaan wiilka.
Mid ka mid ah samata bixiyeyaashii isku dayay inuu badbaadiyo wiilka yaraa ayaa isna naftiisa ku waayay inta uu ku jiray dadaalkaas. Waxaa loo arkay geesi dadaal badan, balse nasiib darro, isaguna wuu ku dhintay isku daygii uu ku doonayay inuu badbaadiyo wiilka. Dhacdadan ayaa ka naxsatay bulshada magaalada Laascaanood, waxaana ay kicisay dareen weyn oo ku saabsan amniga iyo badbaadada goobaha noocan oo kale ah.
Mas’uuliyiinta magaalada iyo bulshada deegaanka ayaa ayuu waagu ugu baryay sidii loo soo saari lahaa,maydka wiilka yar ee ku dhacay,Suuliga.ilaa hada waxaa socota sidii loo soo saari lahaa meydka wiilka yar.