Ciyaarta ugu danbaysa ee koobka Qaramada Yurub 2024, xulka Spain ayaa magaalada Berlin kula ciyaari doona xulka England si ay u hantaan koobkii afraad ee Yurub, halka England ay rajo ka qabto in ay soo afjarto abaarta dabadheer ee kubadda cagta.
Caawa (Axad) ayaa lasoo gabagabaynayaa koobka Qaramada Yurub 2024 iyadoo Spain ay wajihi doonto England 9:00-ka fiidnimo saacadda magaalada Berlin oo ku beegan 10:00-ka fidnimo Afrikada Bari, waana kulankii sanadkan ugu xiisaha badnaa kubadda cabta.
Waa kulan ay iska hor imaanayaan, malaha, kooxda ugu awoodda badan tartanka iyo kooxda ugu adkaysiga badan.
England ayaa markii ugu horeysay taariikhdeeda ciyaar final ah ku ciyaaraysa meel ka baxsan ciiddeeda, iyagoo fursad u haysta inay soo afjaraan abaarta dabadheer ee kubadda cagta maadaama aaney 58-sano oo xiriir ah aysan wax koob ah ku guuleysan.
Xulka England oo lagu naaneexo (Three Lions) ayaa imanaya finalkii labaad oo xiriir ah ee koobka Qaramada Yurub. Kan kii horreeyay guuldarro murugo leh ayay kala kulmeen xulka talyaaniga oo gool ku-laadyo koobkii kala carraabay carro Ingiriis. Haddii caawa ay garaacaan Spain waxa ay noqon doontaa taariikh lama illaawaan oo ilmada ka tirta taageerayaal sanad walba tawaawaca. Waxa ay guul, ay caawa England gaarto, ka dhigan tahay in koobkii ugu horreeyay ee tartanka Qaramada Yurub loo qaadayo Britain.
Dhanka kale Spain, waxay haysataa fursad ay ku hanan karto koobkii afaraad. Waxa ay iminkaba kaalinta koobaad kula jirtaa Jarmalka iyagoo wada haysta kaaobabkii ugu badnaa ee tartanka Qaramada Yurub.
Xulka Spain oo (La Roja) lagu naaneeso waa xulka ugu cadcad tartanka. Waxa ay badiyeen dhammaan lixdii kulan ee ay ciyaareen tartankan, iyaga oo soo reebay kooxaha ugu awoodda badan Yurub sida: Jarmalka iyo France oo soo bandhigay qaab ciyaareed sarreeya.
England si daalaa dhac ah ayay kusoo gaartay ciyaarta dhammaadka tartanka. Taageerayaasheedu waxa ay marwalba saluugsanaayeen qaab ciyaareedkii dheelliga lahaa ee ay soo bandhigeen dhammaan ciyaarihii tagay marka laga tago ciyaartii ugu danbaysay ee ay la ciyaareen Netherlands taas oo la oran karo waxa ay muujiyeen awooddooda dhabta ah. Waxaa ciyaartaas ka muuqday dhiifoonaan iyo dheereyn dhaxalgal ah.
Sooyaalka Iska hor imaadyada labada xul, England ayaa in yar sarraysa.
Spain iyo England waxa ay ciyaaro rasmi ah isku dhaceen kaliya 12 jeer. England ayaa 5 jeer guulaystay halka Spain ay 4 jeer guusha hanatay, 3 jeer ayay labada xul barbar dhaceen. Kulankii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2018-kii, waxa uu ku dhammaaday Spain 2-3 England, ciyaar ka dhacday magaalada Seville ee Spain.
Bug-baxa kaliya ee ay labada xul ku kulmeen tartan caalami ah waxa uu dhacay 28 sano ka hor. Wareeggii 8-dhamaadka koobkii Qaramda Yurub ee 1996-kii halkaas oo uu xulka martida loo ahaa waa England-ne uu rigoorayaal 4-2 ku reebay Spain. Ciyaartaa waxaa lagu xasuustaa inuu cayaarayay Gareth Southgate (halka sawirkan kore ka dheehan karto) oo iminka ah tababaraha xulka England.
Garoonka lagu ciyaarayo: Berlin’s Olympiastadion
Olympiastadion waa garoonka labaad ee ugu weyn dalka Jarmalka. Waxa uu qadadaa in ka badan 74,000 qof, inkastoo markii hore loo qorsheeyay in qaadskiisu uu noqdo illaa 100,000 oo qof.
Waa garoon qaddiimi ah oo dhiseen kooxihii Naaziyiinta ee dalka maamulayay sannadkii 1936-kii si logu qabto ciyaarihii Olimbikada oo ay Barlin sannadkaasi marti galisay. Dib ayaa cusboonaysiiayay waxa uuna garoonku caan ku yahay habdhismeed casri, naqshado iyo ilayso ay indhuhu la darandaraan.
Garoonkani waxa uu sidoo kale lagu qabtay ciyaartii final-ka ahoyad ee Koobka Adduunka sannadkii 2006-kii, xilligaas oo uu Talyaanigu ka qaaday France. Marka aanu jirin ciyaaro caalami ah garoonkani waxa uu hoy u yahay naadiga Hertha Berlin oo ciyaara horyaalka heerka labaad ee Jarmalka.
England v Spain waxaa caawa dhex dhexaadin doona garsoore reer France ah oo lagu magacaabo François Letexier. Waa 35 jir noqon doona garsoorihii ugu da’da yaraa abid ee qabta ciyaarta ugu danbaysa ee koobka Qaramada Yurub.