Dhaxal sugaha Boqortooyada Saudi Arabia Maxamed Bin Salman ayaa ku baaqay in dambiyo Dagaal lagu oogo Raysal Wasaaraha gumaystaha Yahuudda ee Israa’iil.
Sucuudiga ayaa cilaaqaad la sameeyey sanadkii lasoo dhaafey ee 2023, waxana ay gaartey heer dadku shaki galiyaan in ay aqoonsatey,bortooyaddu gumaystaha Yahuudda.
Bishii October 4tedii 2023 waxaa dalka Sucuudiga ka dhacdey,dhacdo anfariir badan ku ridey shucuubta muslimiinta.
Shlomo Karhi – oo ah wasiirkii labaad ee Israa’iil ah ayaa booqday boqortooyada Sucuudiga.
Waxaana Maalintaas ka dhacdey duco subaxeedka Yuhuuda ah lagu oogay Sacuudiga, xilli is fahamki dheer dhex marey labadda dhan.
Kulan duceedkan, oo ay ka qaybgaleen ku dhawaad 10 nin, ayaa ka dhacay hoteelka Karhi uu degganaa, waxaana ku jiray saddex Yahuud oo ku sugnaa Riyadh balse aan ka mid ahayn wafdiga Karhi.
Sawirro uu sii daayay xafiiska Karhi ayaa muujinayay ka qaybgalayaasha oo xidhan dhar dhaqameedka dalkaas, kuwaas oo kor u haya laamo timireed, xilli ay u taagnayeen saf saf sida oo kalena ay xusayeen ciidda Sukkot.
Hadase dhaxal Sugaha Boqortooyadda Saudi Arabia Maxamed Bin Salman ayaa ku baaqaya in la maxamadeeyo Ra’iisul wasaaraha yahuuda.
Yahuudda ayaa gumaad aan kala sooc lahayn ka wada dhulka,Barakeysan ee Falastiin,dalalkii muslimiintana indhaha ayey ka daawanayaan.
Balse salmaan waxa uu hilaamey in Mareykanku si weyn uga hor-yimi danbiyadii dagaal ee hore loogu halay,saraakiil Maraykan ahna ay ku tookheen in Maxamadda cadalaadda Adduunka loo sameeyey Africa,dalalka soo koraaya iyo Aasiya.