Diyaarad wadda imtixaanka shaadiga ah ee dugsiyada Sare ee dalka ayaa ka degtay magaalada Laascaanood ee Maamulka SSC khaatumo. Waa Markii ugu horraysay, muddo 34 Sano ah ka dib ay Gobolada Woqooyi ee dalka ardaydoodu nasiib u yeeshaan imtixaanka Ssahaadiga ah ee dawladda Feraalka Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Maamulka SSC Khaatumo.
Iyada oo la filayo in malinta berri ah oo ku beegan 22-ka June 2024 ay guud ahaan dalka, marka laga reebo degaannada, Maamulada Puntland iyo Somaliland uu si isku mid ah uga billaawdo imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare. Imtixaannadan oo ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya maamulayso ayaa sanadkaan markii ugu horreysay waxaa ka qeyb galaya ardayda ku nool degaannada Maamulka Khaatuma.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa dhawaan sheegtay in degaannada Maamulka Khaatuma iyo kuwa laga xorreeyay Al-Shabaab la geeyay manhajka waxbarashada dalka.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in guud ahaan la gaarsiin doono imtixaanka degmooyinka iyo degaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray ururka Al-Shabaab, halkaas oo dib loo howlgeliyay Goobihii waxbarashada. Si kastaba ha ahaater, dowladda Soomaaliya ayaa sanad kasta qaadda imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, waxaana ka qeyb gala boqolaal kun oo Arday ah kuwaas oo ku kala sugan Muqdisho iyo Gobolada dalka.