Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii xooganaa ee xalay Al-Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.
Weerarkan ayaa sidoo kale dhaliyay khasaaro tiro badan oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xeebta Liido oo xalay u Jimceystay halkaasi.
Warsaxaafadeedkaayaa u qoranaa”Ciidamada Ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerar ay kooxaha Khawaarijta kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho”
Qoraalka oo ay sii socda ayaa waxa ay uga warbixiyeen raga weeararkasoo qaaday”Ciidamada ayaa toogtay 5 Khawaarij oo ahaa dhagarqabeyaashii weerarka soo qaaday halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey”.
Booliska ayaana ku guulaystan in lasoo afjaro dagaalamayaashii hotelka gudaha u galay oo ka dagaalamayay saacado
”Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii Argigixiso ay Ciidammadu soo af jareen goor dhow islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen”.
Sidoo kale waxa ay warsaxaafadeedkan lagu sheegay in lafashiliyay gaari ay ku rarnaayeen waxyaalaha qarxa”Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Khawaarijtu kusoo diyaarsadeen si ay Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan. Waxaana ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo”.