Dowladda Ingiriiska ayaa haatan bilowday dadaallo culus oo ay ku dhex-dhexaadineyso maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo weli ku dagaalamaya qaybo kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag.
Danjiraha UK ee arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo hoggaaminayo dhaq-dhaqaaqan ayaa la kulmau guddiga nabadda ee kol hore soo magacaabay madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo kala hadlin xiisadda labada dhinac.
Mike Nithavrianakis oo ka hadlayay dadaallada uu wada ayaa soo jeediyay in marka hore laga shaqeeyo sidii ay labada maamul isku dhaafsan lahaayeen maxaabiista ay kala haystaan, kadibna looga shaqeyn lahaa nabadda deegaanka.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in dib loo furo waddooyinka xiran, lana ogolaado dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee labada dhinac, si looga gudbo xaaladaga ka jira deegaanadaasi.
“Waxan la kulmay guddida nabada ee dhawaan la sameeyay, nabad waarta waa in ay ku bilaabantaa maxaabiista oo la is waydaarsado, isku furka wadooyinka ganacsiga, iyo xoojinta xidhiidhka labada shacab” ayuu yiri Danjiraha dowladda UK ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC oo dhowaan uun ku dagaalamay aagga magaalada Ceerigaabo, waxaana weli ciidamada ay isku horfadhiyaan aagagii lagu dagaalamay.
Si kastaba, Somaliland ayaa weli ku adkeysaneysaa inay soo ceshaneyso deegaanada laga qabsaday, halka SSC ay iyaduna dooneyso inay isku ballaariso gobollada Sool iyo Sanaag.