Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Alshabaab ay qaybo ka mid ah gobolada dalka ka billaabeen iska hor-keenidda qabiillada si ay colaad u huriyaan dhexdoodana uga abuuraan cadowtinimo.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in ujeeddada ay Shabaabku ka leeyihiin tallaabadan ay tahay, sidii ay u cuuryaamin lahaayeen wajiga labaad ee howlgallada dib u xoraynta deegaannada Shabaabku haystaan, oo uu sheegay in dowladdu ay diyaar garow xooggan ugu jirto .
“Waa qeyb ka mid ah qorshaha argigixisada iska horkeenidda shacabkeenna, si aan uga sii jeesano xoraynta dalka. Taasi ma dhacayso. Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.
Madaxweynaha waxa uu bogaadiyay dadaalada dowlad goboleedyada iyo odayaasha dhaqanku ugu jiraan sidii loo dhammayn lahaa colaadaha beelaha.
Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dadaalo xooggan galinayso nabadaynta dalka.
Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yimid iyadoo Alshabaab ay wadaan dhaqdhaaqyo ay dib ugu qabsanayaan degaannadii laga xoreeyay.
Maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay waxa ay Alshabab sheegatay in ay la wareegeen degaanka Goof Gaduud Buureey oo 30-km u jirta magaalada Baydhabo, kaddib markii ay ku qaadeen weerar jarmaado ah.