Maamulaha England Gareth Southgate ayaa sheegay in xulkiisa ay dareemayaan deggenaan ay taariikhda ku geli karaan ciyaarta ay la ciyaarayaan Netherlands.
Wiilasha Southgate ayaa doonaya in ay gaaraan finalka tartan mug weyn oo ka dhacaya meel ka baxsan ciiddooda si ay markii ugu horraysay u ruxaan koob caalami ah oo aaney helin muddo ku dhow 58 sano.
Ciyaartan oo caawa 10-ka July 20204 ka dhacaysa magaalada Munich ee dalka Jarmalka, ee ay ku loollamayaan England iyo Nederland, xulkii guuleysta waxa uu Axada magaalada Barlin kula ciyaari doona xulka Spain oo 2-1 kusoo garaacay France Talaadadii shalay ahayd.
England ayaa si murugo leh koobkan ugu guuldarraysatay sannadkii 2020-kii iyadoo looga badiyay gool ku laadyo ciyaar ka dhacday Wembley oo ay la ciyaareen Xulka Italy.
Kabtanka Enland, Harry Kane, ayaa sheegay in in laba mar oo isku xigta ay xulkiisa gaaraan ciyaarta kama dambaysta ah ay tahay ‘guul iyo mucjiso’. Waxa uu doonayaa inuu qaado koobkiisuu ugu horreeyay ee caalami ah tan intii uu jiray.
Hayeeshee, Kane waxaa si gaar ah loogu dhaleeceeyay liidnimada ciyaar ee ka muuqata marka uu u safanayo xulkiisa qaran taas oo la sheegay in ay ka duwan tahay marka uu dhex boodayo kooxdiisa isla Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich.
30-sano jirkaan ayaa dhaliyay labo ka mid ah shantii gool ee ay England ka dhalisay tartankan laakiin waxa uu u muuqday mid jir ahaan xaddidan iyadoo la sheegayo in dhaawac dhabarka ah uu soo gaaray dhamaadkii xilli ciyaareedka horyaalka Jarmalka.
Qaab ciyaareedka liita ee Kane ayaa sumad u noqonaysa halganka ay England koox ahaan ku doonayso in ay koobka hanato.
Labo jeer ayay xulka England ku sigteen in ay goor horaba ka hayaanamaan tartanka. Waa ciyaarihii ay kaga hor imaanayeen xulalka Slovakia iyo Switzerland iyadoo ay si xarrago leh xilliyo xasaasi ah ciyaaryahannada, Jude Bellingham iyo Bukayo Saka, u badbaadiyeen.
Xulka England waxa ay Jarmalka yimaadeen iyaga oo ka mid ah xulalka ugu cadcad oo lagu tuhmayo ciyaaryahanno tayo sare leh iyo kor u kaca koox ahaan laga dareemayay intii uu laylinayay tababare Southgate.
Waxa uu tababare Southgare aaminsan yahay in ciyaartoydiisu la liicayaan rajada tirada badan ee laga qabo in ay tartankan tiigsadaan guulo waaweyn.
Holland dhanka kale wali waa ay harjadaysaa. Wareegga is aragga koobkan ciyaartii ugu danbaysay waxaa ay guuldarro 3/2 ah kala kulantay xulka Austria taas oo keentay in ay si liicliic ah ku soo galaan kaalinta saddexaad ee ugu fiican kooxihii is aragga si ay u ciyaaraan wareegga 16-ka.
Wiilasha uu layliyo macallin, Ronald Koeman, ayaase 3-0 ku sagootiyay xulka Romania wareega 16-ka. Wareegii siddeed dhammaadkana ciyaar xiiso gaara ah lahayd ayay 2-1 ku garaacaan Turkiga.
Holland ayaa ku faanta mid ka mid ah ciyaartoyda weerarka badan ee difaacyada khalkhaliya waa Cody Gakpo, kaasoo isha ku haya inuu hanto kabaha dahabka ah ee loo wada ordayo isagoo illaa iyo hadda haysta seddex gool.
Holland iyana 36 sano kuma guulaysan koob caalami ah, koodii ugu danbayayse waxa ay ku qaadeen carro Jarmal. Waxa uu ahaa isla tartankan ay caawa u halgamayaan ee koobaka Qaramada Yurub.
Fardo laysku hayo layskuma faanshee labada xulba waxa ay caawa doonayaan inay dhigaan taariikh ay kaga bogtaan baahi koob oo haysay muddo badan.