Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Wiilal walaalo ah oo lagu dilay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan qaabka uu u dhacay dilkaasi.
Wararka naga soo gaaraya degaanka Oodan oo dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay C/naasir Axmed Carab iyo C/kariin Axmed Carab oo ahaa Labo Wiil oo walaalo ah.
Sidoo kale warar nasoo gaaraya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay caruur, waxaana dilkaasi fuliyay dabley hubaysan oo sida la sheegay soo weeraray halka ay ku sugnaayeen wiilasha la dilay iyo caruurta.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in Wiilasha la dilay ay degaan ahaan kasoo jeedaan magaalada Cadaado, lamana oga sababta Rasmiga ah ee loo beegsaday.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dableydii dilka fulisay ay isaga carareen gobtii falku ka dhacay.
Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ah Gobol ay daashadeen dilalka la xariira aanooyinka Qabiil, waxaana dhawaan ka dhacay dilal badan oo salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana Maxkmadda Gobolka Galgaduud ay dhawaan dil toogasho ah ku fulisay dad loo soo qabtay inay dilal gaysteen, halka kuwo kalena xabsiyada ay wali ku jiraan.
Maamulka Galmudug iyo Ciidamada ammaanka eek u sugan degaanada maamulkaasi ayaa tiro dhowr jeer ah ku celiyay inay wax ka qaban doonaan dilalka la xariira aanooyinka qabiil ee ka dhaca deganadaasi, waxaana digniino ay u direen shaqsiyaadka gaysta falalka noocaas ah.