Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana dilkaasi loo gaystay Wiil dhalinyaro ah sida warar nasoo gaaraya ay sheegayaan.
Xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo warramayaa in Magaalada Guriceel lagu dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Libaan Aadan Ibraahim, waxaana dilkaasi xaqiijiyay Taliska Booliska magaaalada Guriceel.
Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay haatan ku raadjoogaan Eedaysanihii ka dambeeyay dilka lagula kacay marxuum Libaan Aadan Ibraahim.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Marxuumka, waxaana hay’adaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka waxa sababay falkaasi iyo soo qabaashada eedaysanaha la sheegay inuu ka dambeeayay dilka loo gaystay Libaan Aadan Ibraahim oo ahaa Wiil dhalinyaro ahaa.
Xalay Saqdii Dhexe Dil ka Dhacay Degmada Guriceel.
Rabbi ha u naxariisto, waxaa xalay abaaro 2:30AM lagu dilay Degmada Guriceel nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Libaan Aadan Ibraahim, Taliska Booliiska Degmada oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyey geerida Marxuum Liibaan.
Dhanka kale, Saraakiisha Xariirka aan la samaynay waxa ay inoo sheegeen in Eedaysanihii Falka geystay lagu raad joogo oo Ciidamada Hay’adaha Amnigu Baadi goob ugu jiraan.
Wixii warar ah ee kasoo kordha, Insha Allaah, halkaan ayaan idin kula soo wadaagi doonaa.