Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, taasoo keentay dagaal toos ah oo dhexmaray kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada difaaca garoonka. Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic ay Al-Shabaab ku tuureen garoonka, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa xaqiijiyay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen, taas oo socotay daqiiqado badan. Inkastoo aysan awoodin inay xaqiijiyaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaa la tilmaamayaa in xiisaddu ay ahayd mid aad u culus.
Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda sheegay inay si buuxda uga hortageen weerarka, ayna dileen saddex ka mid ahaa dagaalyahannadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Xaaladda garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen amniga goobta. Al-Shabaab dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin weerarka iyo dagaalka xigay. Dowladda Koonfur Galbeed iyo ciidamada Itoobiya ayaa wada baaritaanno dheeraad ah si loo xaqiijiyo khasaaraha iyo xaaladda guud ee amniga magaalada Baydhabo.