Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaalka culus ee saaka ka dhacay magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo sababay khasaare ayaa si gaar ah uga dhacay xarumaha maamulka gobolka iyo xerada Lamagalaay, wuxuuna dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamulka HirShabelle iyo Hiiraan State, oo muddooyinkii dambe khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyay.
Dagaalka ayaa bilowday markii ciidamada taabacsan HirShabelle ay weerar ku qaadeen kuwa Hiiraan State, kuwaas oo gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka. Weerarkan ayaa la sheegay inuu ku aadan yahay carqaladeynta munaasabad lagu xusayay sanad-guurada Hiiraan State, taas oo si weyn looga dareemayay gudaha magaalada Beledweyne.
Ilaa hadda inta la xaqiijiyay, hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare intaas ka badan laga cabsi qabo, iyadoo xaaladda weli aysan degganeyn.
Inkastoo xaaladda hadda deggan tahay, haddana waxaa weli jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalka uu markale qarxo, maadaama ciidamada labada dhinac aysan aad u kala fogeyn goobaha ay ku sugan yihiin. Xiisaddan ayaa imanaysa iyadoo la sheegayo in gudaha Hiiraan State ay sidoo kale khilaafaadyo ka jiraan, xubno muhiim ah oo maamulka ka tirsanna ay u kala jabeen saddex garab, taas oo sii hurisay xaaladda gobolka.
Dhinaca kale, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa iyaduna laga soo sheegayaa in ciidamo gadoodsan ay qabsadeen kontaroolka waqooyiga magaalada. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay cabasho ka muujiyeen arrimo la xiriira xuquuqda ciidamada, taas oo sababtay inay la wareegaan goobahaas muhiimka ah. Inkastoo xiisadda weli taagan tahay, waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo ciidamadaas.