Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dhageysatay dacwadda rag ku eedeysan in ay dhigteen isbaaro ay ku dhici jireen dadka iyo gaadiidka isticmaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledwayne.
Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in la soo qabtay lix ruux oo si bareer ah u dhacayay gaadiidka, waxaana maanta maxkamadad la horkeenay shan kamid ah, halka mid kale dhaawac dartii uu isbitaal ugu jiro.
Raggaan ayaa dhac bareer ah u geysanayey dadka iyo gaadiidka isticmaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne. Raggan ayaa laftigooda qiraal ah, sida uu sheegayna baaraha kiiska oo lagu magacaabo Eng Yuusuf.
Intii ay socotay dhageysiga dacwaddan ayaa waxa uu ku-xigeenka xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ka dalbaday maxkamadda in raggan dhaca geystay lagu rido xukun adag.
Kadib markii uusoo idlaaday fadhiga, maxkamadda ayaa waxay raggaan ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo hubkii oo lagala wareegay.
Xukunkan ayaa qeyb ka ah dadaallada nabadeynta gobolka Hiiraan, oo muddooyinkii dambe faro ba’an ku hayeen isbaarooyinka, kuwaas oo dhawaan awood ciidan lagu burburiyay intooda badan.
Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda gobolka ayaa ku guuleystay xal u helista isbaaroyinkii yaalay magaalada Beledweyne iyo hareeraheeda, oo iyagu sababay sicir barar dhanka maciishadda ah oo ay ku dhibbanaayeen dadka deegaanka.