Wararka naga soo gaaraya degaanka Kalabeyr ee Gobolka Nugaal Puntand ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nin Ganacsade Caanka ahaa degaankaas, oo lagu Magacaabi jiray Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay Ganacsadaha dileen xilli uu ku sugnaa meel u dhow Gurigiisa oo kuyaalla degaanka Kalabayr oo u dhexeeya Garoowe iyo Buurtinle islamarkaana qiyaastii 60km u jira caasimadda Garoowe.
Ragga dilka u geystay Ganacsadaha ayaa Goobta ka baxsaday, waxaana gaaray Ciidamo katirsan laamaha Amniga Puntland, kuwaas oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka Ganacsadaha.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa dilka Ganacsadaha iyo cidda ka dambeysa, waxaana dilkiisa kasoo baxaya faah faahino kala duwan, iyada oo laamaha Amniga Gobolka Nugaal ee Puntland aysan ka hadlin.Qaar kamid ah Ehellada Marxuum Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed oo Garoowe ku suga