Guddiga ku-meel gaarka ah labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed ee loo xil-saaray diyaarinta xeerarka doorashooyinka dalka ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho, tan iyo markii la magacaabay Khamiistii lasoo dhaafay.
Guddigan ayaa sidoo kale qaabilsan xeerarka Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha, sida horay loogu sheegay wareegtada ay soo saareen gudoonka labada Gole.
Tallaabadii ugU horreysay ee uu guddigu qaaday maanta ayaa waxa ay guddoomiye ugu doorteen xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, halka Sanator Iftiin Xasan Iimaan Baasto isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka Guddiga
Doorashada ayaa u dhacday hab gacan taag ah, waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abahirow oo ay wehliyaan hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali iyo sidoo kale xoghayayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.
Dhisamaha guddigan ayaa waxaa ka taagan dood xoogan, maadaama weli lagu muransan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka guud ee dalka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay tahay doorashada madaxweynaha, dib u eegista dastuurka iyo xeerka qoondada miisaaniyadda, sida uu qabo dastuurka dalka.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku eedeeyay guddoonka labada Gole inay ku milmeen madaxtooyada isla markaana taas ay caqabad ku tahay daah-furnaanta shaqada baarlamaanka.
“Guddoonka Golaha Shacabka hore ayey jeebka Madaxtooyada ugu jireen, waxayna ku caanbaxeen ku tumashada Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha, waxaase wax laga xumaado ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi oo rajo laga lahaa uu ku biiray kooxdaas” ayuu yiri siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame/
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan dood xoogan oo ka dhalatay go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu go’aamiyay doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa ka horyimid Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka.