Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kuwaas oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Jameeco, oo 25km u jirta Buurhakaba, halkaas oo ciidamada ay ku weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Buurhakaba, Sandheere Xasan Aadan, oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay khasaare xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab. Inkastoo taliyuhu uusan si faahfaahsan u sheegin khasaaraha dhabta ah, wuxuu xusay in ay cagta mariyeen goobo badan oo kooxdaasi gabaadyo ka dhiganayeen, islamarkaana howlgalka uu weli socdo.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay sidan oo kale ciidanka Xoogga dalka ay howlgal culus ka fuliyeen wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac Joome ee gobolka Bakool. Waxaa muuqata in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sii xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo isku dayaya in ay ka saaraan meelaha ay weli ku suganyihiin