Soomaaliland ayaa xaley soo saartey hees hadal hayn badan dhalisey,heestan waxaa curiyey oo lagu magacaabo abwaan reer Hargeysa ah Daaha Gaas ,waxana luuqda isla wada jiibiyey xidigaha Dayax Pan.Baraha bulshadda ayaa si weyn loogu wadaagey iyadoo heestan dad shacaba ka cadheysiisey.
Waxaa ka jawaabey qoraalkana ka qorey cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame:-
“Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool” waa erayo ka mid ah hees maalmahan Hargaysa laga tumo.
Maaanta waxay ku beegan tahay markii ugu horeysay ee uu geyi Soomaaliyeed ka xoroobo gacanta gumaystaha. Lixdan iyo afar sano ayaa laga joogaa maalinkii ay Gobollada Waqooyiga ee Soomaaliya ka xorebeen gumaystihii Ingiriiska.
Yididiillada shacabka Waqooyiga Soomaaliya kuma ekayn oo keli ah in ay ka baxaan gacanta gumaysataha Ingiriiska ee waxaa u wehliyey in ay la midoobaan Koonfurta Soomaaliya oo xilligaa gumaysi Talyaani ku jirtay, laakiin maalmo ka dib ka xoroobaysa, in la dhiso dawlad-qaran oo baadi-goobta xorriyada gobollada kale ee maqan, ilaalisina qarannimada, midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, noqotana awood maqaam, maamuus iyo tixgelin ku leh dunida, gaar ahaan geyiga Africa.
Dawladdii labada gobol waa ku fashilantay xaqiijinta yididiillada shacabka iyo gaarista yoolka, waxaana sabab u ahaa caddaalad-darro, gaboodfal, kali talisnimo, musuqmaasuq, eex, qaraabakiil iyo qar iska tuurnimo. Meel kasta oo uu xukun Soomaali ka jirana intaa uun baa laga cabanayaa.
Waxaa ayaan daro wayn ah in hormuudkii siyaasadda ee hankii shacbaka hungeeyey, hiigsigoodiina hoojiyey, asagoodna u gumeeyey, ay weli doonayaan in ay fashilkooda ku daboolaan colaad, nacayb iyo cadowtooyo ay ka dhex huriyaan dad isir, hayb, diin, dhaqan iyo luqad wadaag ah.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame aaya eedu culus dusha u saarey,madaxda Soomaaliland oo kuu sheegay in ceebohoodda ay ku qarinayaan in shacabka colaad la kala dhex dhio