Hibasho
Dunidu tan iyo goortii ay unkatay ee ay soo bilaabatay ma aysan ahayn mid iska taagan ee maalin walba mid waayo cusub oo hor leh wadata ayay ahayd. Iyada oo ay wax walba is beddelayaan ilbaxnimaduna hormuud u ahayd, qaababka aadamaha kala fog u wada xidhiidho, mid marba heer soo joogtay ayay hayd, oo xilliyada qaar fariimaha dhawr bilood ayaa la kala sugi jiray. Labada qof ee iyagoo jacaylwadaag ah waayuhu kala fogeeyeen, in ay maalmo is moogaadaan oo kuwo aan kala war qabin noqdaan, nabar ayay ku ahayd.
Dareenka xusuustu afuufto ee lahanka olola ah baa horey u jiida laabta qofka ku sidkan qof kale, qaacaasina kama jabo ilaa uu lihiinsado jamashadiisa oo lakulankeeda ku xasiliyo kashii basanbaasaysey, boholyowgu waa godadka xusuustu qodday oo qofka kufkufinaysa, waxaana markaas haayad kala dheer ah halka uu joogo iyo halka uu haansanayo. Hiyiga waxa ka bidhaamaya oo u cad muunaddiisii, degmada uu yaalna kuma nega, illeen qof meeli u caddahay meeli ka madoow e. Heestan oo lagu dhex soohay habfekerka dabaqadaha dadka, haddana fariinta ugu weyn ee ay xanbaarsantahay waa kala warla’aanta labada qof:
“Hammiga ruuxii ku yaal
Hillaaddana kala fogtiin
Ishaadu haddaanayn hayn
Hiyiga waa kii u muuqdoo
Hortiisana kama dhaqaaqdid!”
Hirarka maankiisa isu laba rogaya, ee laxawga iyo daltabyada u darsashada ah wata ayaa laabtiisa ku xoogaysanaysa, oo dareenkaa ayuu ka dhex sawiranayaa gacaladiisii axdigu u wada yaallay. Garashadiisu waxay u sheegaysaa dhibtu inay halbeegga iyo masaafada ay isu jiraan tahay oo aragga qofka maanka kaga turqan ay ku lammaantahay isaga in walaahawgu ka yaraado. Se dareenkiisa cadiifadda iyo caashaqa oo ah kan laxawgu ku soconayo, qalbiga ayuu ka tusinayaa gabadhii laabtiisa ku tolnayd. Xaaladda uu ku suganyahay wuxuu ku tidcayaa sheekadii “Han Barray” oo warinaysey laba qof aan war iska hayn mid walbaana gaarkiisa hawo u dhisanayey, waa kaaf iyo kaladheerida hirarka bulsheed, tiisu sidaa qaabka daran u lama sinna sheekadaa, ee waa lidkeeda, wanaagga isaga iyo gacaladiisu oddoros caashaq iyo midow kalgacal midba halkiisa ka qiyaasanayo iyaga oo ismoog, waxa ay isku daawanayaan muraayadaha suuraysiga.
Waxa aad tebaysid ee naftaadu hamuunka aan qiyaasta lahayn u qabto, wuxuu abwaan Xasan-Ganey oo heesta curinteeda leh ku tusaalaynayaa, sidii roob guyaad oo meel kaa durugsan ka da’ay. Hillaaca ishaadu aragto ee walalacle jeernaba ma aha mid ruuxdaada harraadka iyo luunka dhuuntaada qallajiyey ka bi’inaya. Heestii naf-la-hadalka ahayd wuxuu ku soo afmeerayaa abwaanku meeris haddii keligii gaar loo dul istaago dhawr bog buuxinaya, waa kicinka hibashada oo ah dareen ku gujinaya iyo tusmada hantaaqada ka dhalata, marka lagu hungoobo haabashadiisa, waa meeriska uu leeyahay:
“Waxaad HIBATAA huqda leh!”