Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomoaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii loo joogtayn laha wada shaqaynta hay’adaha dowliga ah ee heer federaal iyo heer maamul.
Kulamadiisii ugu danbeeyay waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaal iyo Dib u Heshiisiinta, Mud. Xil. Cali Yusuf Cali; Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Abdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag; Wasiirka Wasaaradda Korantada iyo Khayraadka Biyaha, Mud. Xil. Cabdullaahi Bidhaan Warsame; Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Mud. Xirsi Gaanni; Xildhibaan Golaha Shacabka ah, Marwo Raysal Qorane; Taliyaha Ciidanka Bilayska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas. Sulub Axmed Firin; Taliyaha Qaybta Booliska, G. Benaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin iyo madax kale.
Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ahaa Wasiirada Arirmaha Gudaha iyo Khayraadka Biyaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa safar muddo qaatay ku jooga Muqdisho isagoo inta badan kulammo la qaatay Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Safiirrada Caalamka, iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho.
Waxaa la filayaa in hoggaamiyaha SSC Khaatumo uu maalmaha soo socda dib ugu laabto caasimadda maamulka, Laascaanood.