Hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah, ayaa goor dhow jeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay xaaladda cusub ee kooxdiisa iyo xulafada kale ee ay taageerto Iran. Nasrallah wuxuu ku dhawaaqay in Xisbullah iyo kooxaha kale ee xulafada la ah ay galeen marxalad cusub oo dagaalka ah, isagoo sheegay in Israel ay ku kacday talaabooyin cusub oo khatar ah.
Xasan Nasrallah ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Israel ay ka gudubtay khadadka cas, taasoo ka dhigan inay ku kaceen ficillo aad u halis ah oo aysan ka fiirsan natiijadooda. Wuxuu intaa ku daray in Israa’iiliyiintu aysan garanaynin khadadka cas ee ay ka gudbeen, taasoo muujineysa inay ku jiraan xaalad halis ah oo horseedi karta aargoosi xoog leh.
Nasrallah wuxuu sheegay in Xisbullah iyo kooxaha kale ee ay Iran taageerto ay hadda galeen marxalad cusub oo dagaalka ah. Marxaladdan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn uga duwan marxaladihii hore, iyadoo la filayo inay la timaado ficillo iyo istiraatiijiyado cusub oo ka dhan ah Israel. Wuxuu carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin aargoosi oo ka dhan ah ficillada Israel.
Nasrallah ayaa digniin adag u diray Guamaysaha Israel, isagoo sheegay in ay sugaan aargoosi. Digniintan ayaa muujineysa sida ay Xisbullah uga go’an tahay inay ka jawaabaan ficillada Israel.
Hadalka Nasrallah ayaa kusoo adaaya iyadoo xiisada Bariga Dhexe cirkaas marayso,xaalada gobolka ayaana jahawareer badan wajahaysa,kooxaha jihaadiyiinta ayaa carabka miliqsanaaya oo aad u dhaarsan