Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano ku yaala duuleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutooyin ka kala tirsan Gorgor iyo 14-ka Oktobar, waxaana ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in dad shacab ah ku dhibaateynayeen tuulada Jowhar Awdheegle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Awdheegle.
Taliyaha guutada 14-ka Oktober Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada is kaashanaya ay howlgalka ku dileen xubno katirsan Al-shabaab oo uu sheegay iney baad ka qaadanayeen dad shacab ah.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalka uu ahaa mid kusoo dhamaaday sidii loogu talo galay, islamarkaana kooxdu ka saareen goobahii ay kaga sugnayeen duuleedka degmada Awdheegle, hayeeshee taliyaha muusan carabaabin tirsada rasmiga oo ay Al-shabaab kaga dileen howlgalka.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah gobolada waayahii dambe sida xoogan uga wadaan ciidanka xoogga dalka howlgalada ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.