Iran ayaa si rasmi ah ugu eedaysay Israa’iil inay fulisay dilkii Haniyeh ee ka dhacay dalkeeda, kaddib warsaxaafadeed ay soo saareen ilaalada kacaanka.
Sidoo kale waxaan maqalnay hadallada hoggaamiyayaasha sare ee Iran;
•Warsaxaafadeed uu soo saaray hoggaamiyaha sare ee Iran, Khamenei , waxaa lagu yiri; “Aargoosiga dhiigga Haniyeh waa mid ka mid ah waajibaadkeenna sababtoo ah dilku wuxuu ka dhacay dhulkeenna.”
•Madaxwaynaha Iran Masoud Pezeshkian; “Iran waxa ay ilaalin doontaa madaxbanaanideeda dhuleed, sharafteeda iyo karaamadeeda, waxayna ka dhigi doontaa soo duulayaasha argagixisada inay ka shallaayaan falkan fulaynimada ah.”
•Taliyihii hore ee ilaalada kacaanka Iran,Mohsen Rezaei; “Israa’iil waxay bixin doontaa qiimo culus.”
Faallo;
Dhaqanka caalamiga ah, dilka Haniyeh ayaa loo arkaa sabab lagu iclaamiyay dagaal, Israa’iil si rasmi ah uma ay qaadan hawlgalka, si kasta oo ay Iran u eedeyso ma bixin doonaan wax jawaab hadal ah,tani waxay Tehran siinaysa laba ikhtiyaar dagaal ku dhawaaq ama ku jawaab hawlgal la mid ah oo bartilmaamedsada hoggaamiyeyaasha Israa’iil.
Dilka Haniyeh, waxaa lagu aadiyay waqti muhiim ah — waana dhacdo u muuqata in hal weerar loo adeegsatay labo ujeeddo; weerarka wuxuu ka dhacay caaasimadda Tehran, waliba mid ka mid ah goobaha ugu amniga sarreeya ee Ilaalada Kacaanka Iran , waxaana la dilay hoggaamiye siyaasadeed, waqti uu ahaa qofka muhiim ah.
Waxaas oo dhan waxay ka dhaceen xafladdii caleema saarka madaxweynaha Iran , kaas oo yimid kaddib markii madaxweyne loo geystay dil.
Fikradaada, sidee Tehran uga jawaabi doontaa dhacdadan dhammaan fariimahan kaddib?
Ma laga yaabaa in dhiigga Haniyeh uu sabab u noqdo heshiiska lagu joojinayo dagaalka Qasa?
Mise waxay sabab u noqon doontaa fidnada gobolka?
Gobolku ma wuxuu u socdaa dagaal gobolleed, gaar ahaan maadaama Israa’iil ay duqeyso waddan gobolka ku yaalla mar kasta…?
Iman Jama