Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.
Safarka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya kadib marti qaad rasmi uu ka helay dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.
Safarka Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xilka la wareegay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka madaxtooyada, wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha, taliyaha sirdoonka, la-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha, madaxa xafiiska madaxweynaha iyo hawl-wadeeno kale.
Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehlinayey marwada koowaad ee Somalia Marwo Farduus Maxamed Rooble.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka Carabta muddo saddex cisho ah, waxayna kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabta, iyagoo kala hadli doona arrimo mudnaan u leh labada dowladood iyo labada shacab.
Muddada uu madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalkaasi wuxuu sidoo kale kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta.